12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 25, 2024
Dowladda Fedaraalka oo maanta ciidamo ka dajisay deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose
 

Isniin, November, 25, 2024 (HOL) - Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida garaka u tababaran ee Gorgor ayaa maanta gaaray deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamadaan ayaa diyaarado looga daabulay magaalada Muqdisho, waxaana la tilmaamay inuu qorshahoodu yahay iney amniga kala wareegaan ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, islamarkaama ay sii xoojin doonaan dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Taliyaha guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor Gaashaanle dhexe Xasan Aadan Maxamed Xasan Ciraaqi ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ujeedka ciidankaan ka tirsan Gorgor loo geeyay Raaskambooni inuu yahay sugida amniga deegaanada Jubbaland oo ay baneeyeen ciidanka ATMIS, gaar ahaan kuwa dalka Kenya.

“Ujeedka ciidamada waa inay la wareegaan  dhamaan goobaha ay ka baxeen ATMIS, waajib ayaa innaga saaran xaqiijinta amniga guud ahaan dalka, waa in aynu dalka ka saarna Al-shabaab" ayuu yiri Taliyaha guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor Gaashaanle dhexe Xasan Aadan Maxamed Ciraaqi.

Talaabadaan maanta dowladda Fedaraalka ku geysay ciidanka Gorgor deegaanka Raaskambooni ayaa kusoo aadeysa, iyadoo  wali uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeysa dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland, kaasoo ka dhashay is faham waa la xariiray  doorashada Maanta ka dhacday Kismaayo ee dib loogu doortay markii sadaxaad in Axmed Madoobe uu noqdo madaxweynaha Jubbaland.