Hiiraan Online
12/27/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Sabti, Nov 23, 2024
Guddiga Doorashooyinka Jubaland oo xiray araaji qabashada musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Jubaland
Sabti, November, 23, 2024 (HOL) - Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Jubaland Mursal Siyaad Maxamed ayaa si rasmi ah u sheegay inay soo xireen araaji qabashada musharixiinta u taagan xilka madaxtooyada Jubaland waxaana uu sheegay in ilaa iyo hadda ay isdiiwaan geliyeen 4 Musharax uu kamid yahay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Gudoomiye Mursal ayaa sheegay in berrito ay musharixiintii maanta qaatay shahaadada musharaxnimo ay khudbadahooda waxqabad kajeedin doonaan Baarlamaanka Jubaland.
Guddiga KMG doorashooyinka Jubaland iyo Guddiga Baarlamaanka ee Doorashada Madaxweynaha Jubaland ugu magacaaban ayaa siwadajir uga shaqeenaya sidii ay doorashada madaxweynaha Jubaland u noqon lahayd mid si xasiloon ku dhacda.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo gudoomay shahaadadiisa musharaxnimo ee doorashada Madaxtinimo ee Jubbaland ayaa sheegay inuu boqolkiiba boqol ku qanci doono natiijada kasoo baxda Doorashada oo lagu wado inay dhacdo maalinta isniinta ah ee 25ka November 2024.
Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtay in Axmed Madoobe uusan haysan sharciyad uu ku diyaariyo ama kaga qeyb galo Doorasho ka dhacda Jubaland, waxaana ay ku eedeeyeen inuu ka horyimid nidaamka doorasho ay Dowladda dooneyso ee ah Qof iyo Cod waxaana ay ku hanjabtay inaysan aqoonsan doonin natiija walba oo kasoo baxda Doorasho ka dhacda Jubaland.