1/13/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 23, 2024
Jubbaland oo ku eedeysay musharaxiinta madaxweynaha inay masuul ka yihiin iska hor imaadkii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo
 

Sabti, November, 23, 2024 (HOL) - Afhayeenka Ciidanka Booliiska Jubbaland, Dhamme Shukri Faarax Ducaale, ayaa xaqiijiyay in shaqaaqo ka dhacday maanta magaalada Kismaayo ay sababtay dhimashada hal askari iyo dhaawaca labo sarkaal oo kale.

Sida uu sheegay Dhamme Shukri, askariga dhintay ayaa ka tirsanaa ilaalada musharaxiinta, halka labada dhaawac ah ay ka mid yihiin saraakiisha ciidamada Jubbaland.

Shaqaaqadan ayaa ka dhalatay markii, sida uu sheegay afhayeenka ciidanku, gaari ay wateen ilaalada musharaxiinta uu rasaas ku furay bar kantarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada amniga Jubbaland, kuwaas oo isku dayay inay joojiyaan gaarigaas.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska ayaa masuuliyadda falkaan dusha uga tuuray musharaxiinta Jubbaland, isagoo ku eedeeyay in ilaaladooda ay maalmihii la soo dhaafay ku lug lahaayeen falal amniga lid ku ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo.

Dhamme Shukri ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Jubbaland ay gacanta ku dhigeen ilaalada musharaxiinta iyo gaadiidkoodii, isagoo shacabka ugu baaqay inay isdejiyaan, isla markaana la shaqeeyaan ciidamada si loo sugo nabadda iyo xasiloonida magaalada Kismaayo.

Weli musharaxiinta Jubbaland kama hadlin dhacdadan, inkastoo la filayo inay soo saaraan qoraal midaysan oo ay kaga jawaabayaan dhacdadan.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka amniga Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Farataag ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu ka shaqeynayo inuu dagaal sokeeye ka sameeyo magaalada Kismaayo.

Wasiirku wuxuu dhacdadii maanta ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Axmed Madoobe.