12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 23, 2024
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xeerka Doorashooyinka Dalka
 

Sabti, November, 23, 2024 (HOL) - Xildhibaanada Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka xeerka Doorashooyinka dalka oo maanta ay marsiiyeen Akhrintiisi 3aad waxaana warbixintii ugu dambeeyay ee xeerkan uu maray mudanayaasha ka hor akhriyay Mahdi Guuleed oo ah Gudoomiyaha Guddiga Ku meel gaarka ah ee labada Aqal ee Baarlamaanka dalka.

Fadhigii maanta ayaa ku furmay kooram Xildhibaano oo dhan 171 Xildhibaan balse waxaa kusoo biiray Xildhibaan kale oo la dhaariyay waxaana sidaas uu ku noqday 172 sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Adan Madoobe oo maanta shir gudoomiyay fadhigii mudanayasha ee Barlamaanka Soomaaliya.

Intaa kadib waxaa laguda galay in la ansixiyo xeerkaan si sharci uu u noqdo, waxaana Xildhibaano gaaraya 169 u codeeyeen xeerkaan Doorashooyinka waxaana diiday laba mudane halka hal Xildhibaana uu ka aamusay waxaana natiijada ugu dambeeyn ku dhawaaqay Gudoomiye Aadan Madoobe.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Cali Xoosh ayaa uga mahadceliyay mudanayaasha Baarlamaanka inay maanta meel mariyeen xeerka Doorashada, waxaana uu sheegay in muhiim ay u tahay doorashada Dowladda Soomaaliya dooneyso inay ka qabato dalka ee nidaamka Qof iyo Codka ah.

Xeerkaan maanta ay meel mariyeen Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya oo sharci noqonaya ayaa ugu dambeeyn waxa uu sugi doonaa inuu saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.