11/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 23, 2024
Beelaha Abgaal iyo Xawaadle oo ka shiray xal u helista dagaalo ka dhacay xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe
 

Sabti, November, 23, 2024 (HOL) - Odayaadha iyo Waxgaradka Beelaha Abgaal iyo Xawaadle iyo qeybaha kala duwan labadaan beelood ayaa Kulan balaaran oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaada u dhaxeysa ee ka taagan xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta labada dhinac oo ka hadlaayay kulanka ayaa ku dheeraaday dhibaatada ay leedahay colaada sokeeye, iyagoona dalbaday in gogol nabadeed lagu dhameeyo tabasho kasta oo ay kala qabaan labada beelood ee walaalaha ah.

Dagaalka u dhaxeeya labadaan beeleed oo ka dhacay inta u dhaxeya magaalooyinka Jalalqsi iyo Ceel baraf iyo deegaano kale ayaa ah mid salka ku haaya dhul daaqsimeedyo.

Maleeshiyaadka ku dagaalamaya xadka Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo iska dilay dad balan ayaa dhawaan waxaa ku baxay dirirtooda oo kala dhex galay ciidamo ka tirsan Militiriga Soomaaliya.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa ugu baaqay waxgaradka beelaha Xawaadle iyo Abgaal iney ka qeyb qaataan joojinta dagaalka uu ku daadanayo dhiiga dadka walaalaha ah, islamarkaana la shaqeeyaan ciidamada lakala dhex dhigay.

"Wan ka xunahay dagaalada kusoo noqnoqday xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee sida macna darada ah loogu daadinayo dhiiga dadka Shacabka ah, waxaan ku baaqaya cid walba oo gacan ka geysan karta dhameynta colaada soo cusboonaatay iney wax ka qabtaan marar badan ayaan gogol dhignay si uu dhiig dambe u daadan, lakiin ma suuroobin,  dowladda Fedaraalka iyo waxgaradka labada beelood waxaan ugu baaqaya joojinta iyo xal u helista dagaalka kuso noqnoqday xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe" ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure Karoore.