Hiiraan Online
12/27/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2024
Dowladda Federaalka oo doorashada Jubaland ku tilmaamtay mashruuc faneed
Jimco, October, 22, 2024 (HOL) - Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in waxa ka socda Jubaland ay tahay mashruuc faneed.
Wasiir Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday in waxa uu wado Madaxweynaha Jubaland ay tahay miduu doonayo inuu iskugu caano shubo Doorashada, waxaana uu tilmaamay inaysan aqoonsan doonin natiija waliba oo kasoo baxda Doorashadaasi.
"Iyadoo la waafajinayo qorshaha dowlad dhisidda DFS waxaa ka go’an in laga gudbo doorashada dadban ee ku saleysan qabiilka loona gudbo doorasho toos ah oo qof iyo cod ah. Xukuumadu ma aqoonsan doonto natiijada mashruuc faneedka ee lagu soo xulay xildhibaanada, afhayeenka baarlamaanka iyo tan doorashada Madaxweynaha" ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.
Hadalka Wasiir Cabdirisaaq waxa uu imaanayaa iyadoo Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xamse ay si weyn u diidantahay Doorashada Jubbaland ee Xildhibaanada, Gudoonka iyo midda Madaxweynaha ee soo socota.
Dowladda Federaalka ayaa dibad joog ka ah doorashada ka socota Kismaayo, waxaana Todobaadkaan sii dhaamanaya ay Guddiga Doorashada Jubaland ay dhameystireen xulistii Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyadoo maalinimadii Khaamista ahaydna ay doorteen Gudoomiyaha iyo labadiisi Kuxigeen ee Baarlamaanka Jubaland.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa indhaha ku haaya sida uu xaal noqon doono hadii isniinta soo socota markale lagu doorto Kismaayo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo ah musharaxa hadda ugu cad cad ee doorashadaan kusoo baxaya.