12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 22, 2024
Safiirka UK ee Soomaaliya oo lagu eedeeyay inuu ku dhex-milmay khilaafka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya
 

Jimco, October, 22, 2024 (HOL) - Odoyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa warqad furan u diray Rt Hon David Lammy oo ah Xoghayaha Arrimaha Dibadda, ee UK, waxayna uga hadleen walaaca ay ka qabaan waxay ugu yeereen eexda dowladda Ingiriiska ee arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Warqadan ayaa lagu dhaleeceeyay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mr Michael Nithavrianakis, inuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u oggolaaday inuu hadallo siyaasadeysan ka jeediyo, xilli uu ku jiray dabbaaldegga dhalashadii Boqorka Charles III ee safaaradda Ingiriiska ee xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay in uu ku booriyay dawladda UK in ay tallaabo ka qaado wuxuu ugu yeeray “qaswadayaasha” siyaasadda, ereygaas oo ay odayaashu u fasirteen in uu tixraac u yahay hoggaamiyeyaasha ama gobollada ka soo horjeeda qaabkiisa doorasho.

Odoyaasha ayaa ku doodaya in inkastoo rajada doorasho hal qof iyo hal cod ay tahay wax lagu ammaano, haddana iyadoo aan la isku raacsanayn ay wiiqayso horumarka Soomaaliya. Waxay ka digeen in dadka dhaliila lagu tilmaamo qaswadayaal ay halis u tahay inay dhaawacdo dadaallada dowlad-dhisidda Soomaaliya, ee u baahan isla xisaabtan, sinnaan iyo isu-duubni.

Odayaasha ayaa ku baaqaya in UK ay ilaaliso dhexdhexaadnimada doorkeeda diblumaasiyadeed, iyaga oo carrabka ku adkeeyay in u eexashada hogaamiye ama xisbi kasta ay ku xad gudubto madax bannaanida dalka. Waxay ku booriyeen dawladda Ingiriiska inay ka fogaato falalka dublamaasiyadeed ee wax u dhimi kara sumcadda ay ku leedahay Soomaaliya ama caqabad ku noqon karta safarka dheer ee qaranku ugu jiro xasilloonida iyo dimuqraadiyadda.