11/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 21, 2024
Jubaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeysay inay lacago siinayso musharixiinta Mucaaradka Jubaland
 

Khamiis, October, 21, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Ibraahim Oogle oo maanta ka hadlaayay hoolkii lagu qabtay doorashadii Gudoonka Baarlamaanka Jubaland ayaa sheegay in Jubaland ay diyaar u tahay inay la hadlaan Dowladda Federaalka oo waxa la isku haaya ay tahay arrimaha Dastuurka.

Oogle waxa uu shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in Dowladda ay ka waantoowdo inay si indha la'aan ah ay usoo maalgaliso musharixiinta Mucaaradka Jubaland.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Jubbaland Maxamed Ibraahim Oogle ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu  lacago siinayo musharixiinta Mucaaradka si loogu qalqal galiyo amaanka iyo doorashooyinka, wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu iska joojiyo hadalada xanafta leh maadama uu yahay shaqsi laga soo doortay degaan ahaana kasoo jeeda Jubaland.

Dowladda Federaalka ayaa waqti hore waxa ay sheegtay in marnaba ay aqoonsan doonin natiija waliba ee kasoo baxda Doorashada ka socota Jubaland, waxaana ugu dambeeyay hadalkii Ra'iisul Wasaare Xamse uu kusheegay in Madaxweynaha Jubaland uusan haysan sharciyad uu ku sameyn karo doorasho.