12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 20, 2024
Sheekh Sharif iyo Xasan Cali Kheyre oo soo dhoweeyay xildhibaanada cusub ee Jubaland
 

Arbaco, October, 20, 2024 (HOL) - Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa hambalyo u diray Baarlamaanka 3aad ee Dowlad Goboleedka Jubaland oo ay xulashadiisu shalay soo gabagabeeyeen odayaasha dhaqanka Jubaland loona dhaariyay xilka lagu xildhibaanimo waxaana xisbiga uu bogaadinayay Guddiga Madaxa bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland shaqooyinka ay ilaa hadda ay ka qabteen doorashada Jubaland.

"Sida uu qabo qodobka 120ad ee Dastuurka KMG ah, Dhismaha laamaha xeer-dejinta iyo fulinta ee maamullada Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waa arrimo lagu nidaaminayo Dastuurrada maamul-goboleedyada, sidaa awgeed Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u hogaansamaan Dastuurka Dalka" ayaa lagu yiri War saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Himilo Qaran .

Dhinaca kale, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhambaal Hambalyo ah u diray xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Jubaland ee shalay lagu dhaariyay magaalada Kismaayo.

"Waxaan hambalyo u dirayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada ee Dowlad-Goboleedka Jubaland ee ay soo xuleen Odayaasha Dhaqanka Jubaland, Waxaana ugu baaqayaa in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, kana shaqeeyaan horumarinta shuruucda iyo hay’adaha Jubbaland, ayna mudnaan siiyaan ilaalinta danta guud, iyo xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada Jubbaland" ayuu yiri Kheyre .

Xasan Cali Kheyre ayaa shaaca ka qaaday in dowlad Goboleedyada kale ee dalka ka jira loo baahan yahay inay qaadaan wado lamid ah midda Jubaland ay hadda cagta ay saartay.

"Dhismaha Baarlamaanka 3aad ee Jubbaland waa tallaabo loo qaaday dhanka doorashooyinka dalka oo hubanti la’aan ku jiray, Waxaana madaxda dolwad-goboleedyada Galmumug, Hirshabeelle, iyo Koonfur-Galbeed ugu baaqayaa in ay degdeg ah u qabtaan doorashooyinka oo ah xuquuq aasaasi ah oo dastuurka dalku u madaxbanneeyay dowlad-goboleedyada." ayuu yiri Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.