12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 2 , 2024
Labada aqal ee baarlamaanka oo ogolaaday codsiga madaxweynaha ee ah in dib loo dhigo fasaxa xildhibaanada
 

Sabti, November, 2, 2024 (HOL) - Xildhibaannada labada Aqal ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay codsiga Madaxweynaha ee ahaa in muddo bil ah dib loo dhigo fasaxa Baarlamaanka, si muddadaas lagu ansixiyo shuruucdii dalka ku hoggaamin laheyd doorasho qof iyo cod ah.

Khudbad uu Madaxweynaha uu u jeediyay Baarlamaanka ayuu kaga codsaday in muddo bil ah dib u dhigaan fasaxooda si loo helo sharciyada lagama maarmaanka u ah in dalka looga hirgeliyo shuruucdii doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in go’aan aan kasoo bixin baarlamaanka in aan go’aan lagu gaari Karin. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay xarunta baarlamaanka waxa uu sheegay in sharuucdii laga hoggaamin waayeen ay yihiin kuwa u xaniban in baarlamaanka uu meel mariyo.

“Soomaaliya inta aqalkan fadhida ayay hiillo uga baahan tahay. Ma ahan danyaroo shakhsi, ee waa danyar taabanaysa mustaqbalka jiilka soo soo socda,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Wuxuu sheegay madaxweynuhu in ay ka go’antahay in shacabka Soomaaliyeed la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Si taas loo gaaro wuxuu sheegay in dowladdu diyaariso dhammaan sharuucdii iyo imkaaniyaadkii dowladda ka taageeri lahaa in dalka laga qabto doorasho dadweyne.