12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 19, 2024
Taariikh Nololeedka Madaxweynaha La Doortay ee Somaliland
 

Talaado, October, 19, 2024 (HOL) - Waxa maanta lagu dhawaaqay in musharixii xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, loo doortay madaxweynaha 6aad ee Somaliland isaga oo guul taariikhi ah kasoo hooyay doorashadii 13 November.

Hadaba Cirro waa dibulumaasi iyo siyaasi ruug cadaa ah oo mansabyo kala duwan soo qabtay, ugu horayn waxa uu 29,4,1955 ku dhashay magaalada Burco, isaga oo waxbarashadiisa hoose, dhexe iyo sare ku qaaday magaalooyinka Burco, Sheekh iyo Xamar.

Cirro waxa uu soo qabtay xilal kala duwan, xiligii dowladii kacaanka waxa loo doortay agaasimaha hay'ad ka shaqayn jirtay gargaagarka iyo dibudajinta, sidookale sannadihii 1988 ilaa 1996 waxa uu ahaa danjire ku xigeenkii safaaradii Soomaaliya ee dalka Ruushka.

Cirro intii uu halkaa joogay waxa uu jaamacadaha dalkaa ka qaatay shahaadooyin sare, isaga oo markii danbena u guuray dalka Finland, halkaasi oo uu waxbarashadiisa sare kasii watay, isla markaana waxa uu kamid ahaa aas aasaayaashii jaaliyada Somaliland ee Finland.

Sannadkii 1999 ayuu usoo wareegay Somaliland isaga oo kamid noqday aasaasayaashii xisbiga UCID, sannadkii 2005 ayaa loo doortay xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada, kadibna waxa uu noqday afhayeenka aqalka golaha wakiilada, isaga oo xilka hayay muddo 7 sanno ah.

Waxa uu sannadkii 2011 aasaasay xisbiga Waddani oo doorashadii ururada iyo dowladaha hoose ee sannadkii 2012 xisbinimo ku guulaystay, kadibna waxa uu madaxweyne u tartamay doorashadii 2017, markaasi oo helay codad dhan 42% inkasta oo uu ka guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa xisbiga Waddani.

Markale, doorashadii qabsoontay 13 November 2024, ayuu kursiga madaxtooyada kula tartamay Madaxweyne Biixi, isaga oo helay codad dhan 407,908 cod oo u dhiganta 63.92 sidaana loogu doortay madaxweynaha somaliland ee 5-ta sanno ee soo socda.

Cirro waxa uu ku olloleeyey in uu midayndoono shacabka Somaliland, dib u dhis ku samayndoono ciidamada, difaaca xoojindoono, isla markaana uu baadi dooni doono ictiraaf, sidoo kalena uu la dagaalami doono musuqmaasuqa.