12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 18, 2024
Ra'iisul Wasaare Xamse oo sheegay in Shacabka Somaliland ay codkoodi ku ciqaabeen Hogaanka Somaliland
 

Isniin, October, 18, 2024 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay Shacabka iyo Maamulka Somaliland Doorashadii ka dhacday degaanada Somaliland 13kii Bishaan November taa oo ahayd mid Qof iyo Cod ah oo si xor ah uga dhacday degaanadaasi.

"Waxaan hambalyeenayaa oo aan bogaadinayaa doorashada xorta ah ee ka dhacay Somaliland, shacabka Somaliland waa shacab leh biseyl iyo wacyi sare oo ay ku codkoodi ku ciqabeen madaxdooda, waxay ciqaabeen kuwii isku dayay inay badalaan abtirka iyo isirkooda Soomaaliyeed, kuwii isku dayay in ay baddooda iyo barrigooda laaluush kubixiyaan, kuwii aloosay colaadda iyo dagaalada sukeeye oo boqolaal qof ay ku dhinteen, Hambalyo ayaan leeyahay" ayuu yiri Ra'iisul wasaare Xamse.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in waxa ugu yar ay sameeyn karaan ay tahay wixii ka dhacay degaanada Somaliland oo kale inay ka qabtaan guud ahaan Soomaaliya, sidoo kale waxa uu hambalyo u diray ururada iyo axsaabta kale ee ka qeyb gashay doorashooyinkii guud ee ka dhacay gobolada waqooyi.

Ra'iisul wasaare Xamse ayaa xusay in si nabad ah oo hogaan loogu kala wareego ay tahay ilbaxno dhinaca dimoqraadiyada ah, waxa uu xusay in Silaanyo tagay, Muuse oo hadda xilka haayayna tagay uuna yimid Cabdiraxmaan Cirro sida hadalka uu u dhigay Ra'iisul Wasaaraha in kastoo aan wali Guddiga Doorashooyinka Somaliland ku dhawaaqin cidda ku guuleysatay Doorashadii ka dhacday degaanadaasi.