12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 17, 2024
Farmaajo oo sharci darro ku tilmaamay Xeerka dhisida Guddiga Doorashooyinka
 

Axad, October, 17, 2024 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku tilmaamay Tallaabadii shalay ay xubnaha Baarlamaanka ku ansixiyeen xeerka Guddiga doorashooyinka Federaalka mid sharci dara ah waxana uu shaaca ka qaaday in ay sii fogaynayso xal u helidda tabashooyinka ay qabaan Dowlad-goboleedyada ka maqan Madasha Wadatashiga Qaranka, madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.

"Isku-milanka labada hay'adood ee fulinta iyo sharci-dejinta waxa ay sii kala qeybisay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo aqlabiyadda xildhibaannada heer Federaal ee matala Jubbaland iyo Puntland ay si cad uga soo horjeesteen meelmarinta sharciyadan iyo guddiyadan aan loo dhammayn, taas oo muujinaysa in xitaa Golihii Baarlamaanka la kala qaybiyey."ayuu yiri Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa eedeeyn kulul dusha uga tuuray Madaxweynaha Soomaaliya waxaana uu ku eedeeyay Nidaamka uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in ay qaadeen jiho khilaafsan dastuurkii lagu doortay iyo shuruucdii loo dhaariyey, sidaas awgeed waxa ay qaadayaan ayuu yiri, mas’uuliyadda taariikhiga ah iyo cawaaqib ta ka dhalanaysa qorsheyaashooda gurracan ee kala qaybinaya shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu warkiisa kusoo gaba gabeeyay Madaxweyne Farmaajo in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu xasuusinayo muhiimadda ay leedahay in ay joojiyaan ka qayb-qaadashada isku dayga hirgelinta hindiseyaasha ku saleysan danaha gaarka ah ee wiiqaaya dowladnimada iyo dib u kabashada dalka, door hoggaamineedna ay ka qaataan ilaalinta midnimada iyo dowladnimada dalka.