12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2024
Sheekh Shariif iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka horyimid ansixinta xeerka dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka

Sabti, October, 16, 2024 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta si wadajir ah Warbaahinta ugu qabtay shir jaraa'id ayaa si adag uga horyimid talaabadii maanta ay Xildhibaanada labada Aqal ku ansixiyeen xeerka dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka.

Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn sheegay in la cuuryaamiyay shaqadii baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana shuruucda la meel mariyay maanta ee guddiga doorashooyinka loo maray ay tahay hanaan qaldan oo aan sax ahayn.

“Baarlamaanka afka ayaa lagu dhagay waa hay’addii koowaad oo wax dooraneysay, haddii uu shaki soo galo xubnaha codeeyay ma dhan yihiin mise ma dhama? arintaas ogaada waa mid aad u u culus. Sharciyadaan hadda la ansixinaayo nidaamka loo maraayo waa khaldan yihiin, waxa ka dhalanaaya waa in lasii kala fogaado” ayuu yiri madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale xusay in doorasho qof iyo cod ah ay diidan yihiin maamulada Jubbaland, Puntland iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ah, islamarkaana aysan jirin amaan lagu qabto doorasho qof iyo cod ah.

“See lagu gaari karaa doorasho qof iyo cod magaaladaan aan maanta joogno oo caasimada ah oo dowladda ay ku shaqeyneyso ma ka dhici kartaa qof iyo cod dadka inta ay baxaan si xor ah oo xalaal ah cod ma u dhiiban karaan? su’aashaas ayaa meesha ku taallo” ayuu yiri Shariif Sheekh.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhankiisa dhaliil adag u jeediyay Xildhibaanada labada gole iyo guddoonka Baarlamaanka, isagoona ku tilmaamay  Baarlamaanka hada jiro inuu kasii liito meesha uu joogay Baarlamaankii xukunkii milatariga ahaa.

“Runtii waa ayaan darro wayn in Baarlamaanka  labadiisa Aqal ay noqdaan meel ka liidatay Baarlamaankii xukunka milatariga oo la leeyahay maanta waxaa timid 173 xildhibaan gacanta ayay wada taageen qof diiday maleh, qof ka aamusay maleh, sidoo kale Golaha shacabka wuxuu noqday meel lagu sacab tumo oo lagu guul wadeeyo, waana ognahay in xildhibaannada joogay aysan ka badneyn 120 xuldhibaan oo u badan wasiirada”ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sido kale xusay in dowlad goboleedyada dalka ay u madax banaan yihiin doorashooyinkooda gaarka ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ansixinta dhismaha guddigga doorashooyinka uu khilaafsan yahay nidaamka federaalka ee dalka.