12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 16, 2024
Tiro Qaxootiga Itoobiyaan ka oo lagu xiray degmada Caabudwaaq
 

Sabti, October, 16, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in maanta degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud lagu xirxiray dad aad u badan oo Itoobiyaan ah.

Xariga ayaa daba socday howlgal ay sameeyeen ciidamada maamulka degmada Caabudwaaq.

Muuqaalo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya tobanaan qof oo u badan dad u dhashay dalka Itoobiya oo ay ciidamada ammaanku u galbinayeen xabsiga Caabudwaaq.

Inta badan dadka la xiray ayaa isugu jiray Axmaarada iyo Oromo, kuwaas oo deganaa in muddo ah deegaanada maamulka Galmudug.

Warar hoose ayaa sheegaya in shaqsiyaadkan loo xiray eedeymo ah in ay biro ka dhoofinayeen magaalooyinka, waxaana wararka ay sheegayaan in xitaa ay biro ka soo saareen xabaalaha, taasi oo niyad jab iyo cabasho ay ka muujiyeen shacabka deegaanka.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo maamulka Galmudug oo ku aadan howlgalka iyo xariga lagu soo qabtay.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa maalmo un kadib markii magaalada Guriceel lagu dilay labo nin oo Itoobiyaan ah.