Sabti, October, 16, 2024 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa beeniyay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay kasoo baxeen furimaha ay kaga jiraan gobolka Mudug, isagoo sheegay in dad dowladda kasoo horjeeda ay war been ah faafiyeen.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in todobaadkii tagay ay dowladda iskusoo dhiibeen 10 xubnood oo katirsan Alshabab, kuwaas oo uu sheegay inay u adkaysan waayeen go’doominta dowladda iyo nolasha adag ee ka jirta degaanada ay ku sugan yihiin Alshabaab.
Fiqi wuxuu sheegay inay jiraan masuuliyiin dowlado shisheeye lacag uga soo qaata magac dilka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Alshabaab, wuxuuna sheegay inay skhakhsiyaadkaas ka xun yihiin in dowladdu dalka ka xorayso Shabaab.
“Dalkaan waxaan ognahay niman masuuliyiin ah oo lacag lagusoo siiyay, oo dowlado kale ay lacag soo siiyeen. Waxaan haynaa xaqiiqdooda, oo ah inay biil ku qaataan magac dil sameeya. Dadkaas waa naqaanaa, iyaguna way is yaqaanaan. Waan ka shifaynaa hadday xishoon waayaan,” ayuu yiri Fiqi.
Muddooyinkii ugu dambeeyay, dowladda Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay inay ka jeesatay dagaalka lagula jiro Alshabaab, islamarkaasna ay dowladdu ku mashquushay khilaafka kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo arrimaha doorashada.