12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 15, 2024
Madaxweynihii Hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo oo Hargaysa ku Geeriyooday
 

Jimco, October, 15, 2024 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Hargaysa ku geeriyooday sida ay qoyskiisu warbaahinta u sheegeen isaga oo 86 sanno jir ah.

Siilaayo oo ku dhashay magaalada Burco ee Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland (Somaliland-ta maanta) sannadkii 1938, ayaa soo noqday madaxweynaha Somaliland intii u dhaxaysay sannadkii 2010 iyo 2017, isaga oo ahaa aasaasihii xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye.

Silaanyo ayaa kamid ahaa hoggaankii ururkii Dhaqdhaqaaqa Xoraynta Soomaaliyeed ee SNM, isaga oo guddoomiye ka ahaa intii u dhaxaysay 1984 ilaa 1990, waxa kale oo uu soo noqday wasiirkii qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadii Soomaalida sannadihii 1965 ilaa 1973 iyo Wasiirkii ganacsiga sannadihii 1973 ilaa 1978 iyo 1980 ilaa 1982.

Waxa kale oo uu soo noqday wasiirka maaliyada ee Somaliland sannadihi 1997 ilaa 1999, iyo xubin  ka tirsan golaha wakiilada  intii u dhaxaysay 1993 ilaa 1996.

Waxa uu ahaa hoggaamiye aad loogu xasuusto dhaqdhaqaaqii SNM ee xukunkii kacaanka xilka ka tuuray, sidookale sannadihii 2002 ilaa 2010, ayaa lagu xasuustaa mucaaradadii adkayd ee uu kala hor yimid xukuumadii Daahir Riyaale Kaahin.

Silaanyo ayaan sannadihii u danbaysay aan lagu arag fagaarayaasha siyaasada Somaliland, isaga oo ku koobnaa gurigiisa uu ka daganyahay magaalada Hargaysa, isaga oo ka cabanayay da'a iyo xanuuno haleelay.