Jimco, October, 15, 2024 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ayaa dil toogasho ah ku fulisay labo nin ay ku eedeysay inay Dowladda la shaqeenayeen.
Xukunka dilka ah ayaa ka dhacay fagaare ku yaalla deegaanka Busley Daa,uud oo ku dhow Jannaale, oo qiyaastii 90-km Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho, halkaasoo ay gacanta ku hayaan kooxaha hubeysan.
Labada nin ayaa lagu kala magacaabaa Maxamed Cabdulqaadir Cali oo 21 jir ah iyo Maxamuud Xasan Cali oo 20 jir ah, waxaana ragan ay ku eedeeyeen in ay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Goob joogayaal ayaa sheegay in labada nin lagu hor toogtay ugu yaraan 100 qof oo dadka deegaanka ah hortooda.
Maxamed Cabdulqaadir Cali oo 21 jir ah ayaa lagu eedeeyay in uu ka howlgali jiray magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose, halka Maxamuud Xasan Cali lagu eedeeyay in uu ka howlgali jiray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe oo dhawaan lagala wareegay Al-Shabaab.
Inkastoo ay lumiyeen gacan ku heynta inta badan labada gobol ee Sh/hoose iyo Sh/Dhexe, ayaa hadana waxaa ay kooxdu gacanta ku heysaa meelo yar yar oo ay ka qaadan jirtay canshuuraha dadka deegaanka.
Sidoo kale waxay lumiyeen dhowr magaalo iyo goobo maxkamadeed tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.