12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2024
Nabadoon u diiwaan gashan Al shabaab oo lagu xukumay 5 sano xabsi ciidan
 

Khamiis, October, 14, 2024 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubaland ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga kiis uu eedeysane ka yahay Xasan Maxamuud Saalax  oo 50jir ah kuna eedeysan kamid ahaanshiyaha Kooxda Al-shabaab.

Gudoomiyaha Maxamadda Ciidamada Qalabka ee Jubaland Gaashanle Sare Cabdullahi Maxamuud Ibrahim ayaa furitaankii fadhiga waxa uu ka sheegay in eedaha Ninkaan lagu soo eedeeyay ay ku jiraan la shaqeyn iyo tacaamul uu la sameeyay Kooxda Al-shabaab, hadii kiiskaan ay ku cadaatadana uu muteysan doono ugu yaraan xukuno xabsi ah oo u dhaxeeya Sadax sano ama Toban sano xabsi.

Baaraha Kiiskaan oo ka socday Hay'adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Jubaland ayaa sheegay in eedeysanaha ay soo qabteen Ciidanka Kenya iyo kuwa sirdoonka Jubaland sanadkii hore waxaana laga soo xiray degaanka Kulbiyow, waxaana durba lageeyay garoonka magaalada Kismaayo halkaasi in badan lagu wareysanayay.

Baaraha waxa uu shaaca ka qaaday in ninkaan uu kamid ahaa nabadoonada u diiwangashan Al-shabaab, kana mid ahaa Guddi 5 Qof oo ka kooban oo xuuraanka Al-shabaab u qaabilsanaa.

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Jubaland ayaa su'aalo kooban weydiiyay eedeysanaha kaa oo ku aadan xiriirkiisa kala dhaxeeya Al-shabaab, balse eedeysanaha ayaa kusoo gaabsaday inuu si nabadoonimo ula shaqeenayay Al-shabaab si lamid ahna uu la shaqeenayay xubno ka tirsan Al-shabaab oo qeyba kala duwan ka haysta Kooxda Al-shabaab.

Gabagabada kiiska eedeysanahaan, Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee Jubaland Gaashanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibrahim ayaa ku dhawaaqay xukunka waxaana uu sheegay in Xasan Maxamuud Saalax maxkamada ay ku xukuntay 5sano xabsi ciidan ah.