12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 14, 2024
Human Rights Watch: Awaamiirta daad-gureynta Israa'iil ee Marinka Gaza waxay ka dhigan tahay "dambi dagaal"
 

Khamiis, October, 14, 2024 (HOL) - Hay'ad xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch, ayaa warbixin ay soo saartay Khamiistaan ku xaqiijisay in amarrada daad-gureynta Israa'iil ee Marinka Gaza ay ka dhigan tahay "dambi dagaal" oo ay u taagan tahay "barakac xoog ah" oo la micno ah isir sifeeyn qowmiyadeed."

Warbixinta oo ka kooban 154 bog, ciwaan looga dhigay “Baahi, Gaajo, iyo Go’doomin”: Barakicinta Qasabka ah ee Israa’iil ee Falastiiniyiinta ee Qaza,” ayaa eegaysa hab-dhaqanka maamulka Israa’iil ee horseeday barakaca in ka badan 90% dadka Gaza, 1.9 milyan oo Falastiiniyiin ah iyo burburinta baahsan ee qaybo badan oo Gaza ka mid ah 13kii bilood ee la soo dhaafay.

"Human Rights Watch waxay ururisay caddaymo muujinaya in saraakiisha Israa'iil ay galayaan dembi dagaal oo ah barakicin khasab ah," ayay tiri warbixintu.

Warbixintu waxay intaas ku dartay, "Falalka Israa'iil waxay u muuqdaan kuwo buuxinaya qeexida isir sifeynta" meelaha aysan Falastiiniyiintu awoodi doonin inay dib ugu noqdaan.

Sida laga soo xigtay cilmi-baaraha hay'adda Nadia Hardman, natiijooyinka warbixinta ayaa lagu saleeyay wareysiyo lala yeeshay 39 Falastiiniyiin ah oo ku barakacay Gaza, waxaana lagu lafa-guray nidaamka daad-gureynta Israa'iil, oo ay ku jiraan 184 amarrada daad-gureynta ah iyo sawirro dayax-gacmeed oo xaqiijinaya burbur baahsan, sawiro iyo muuqaallo la xaqiijiyay oo lagu weeraray goobaha loo qoondeeyay in dadka labarakiciyay la geeyo kuwaa oo lagu tilmaamay inay yihiin goobo aamin ah.

Xilli Israa’iil ay sheegtay in barakicintu looga golleeyahay in lagu sugo dadka rayidka ah ama sababo millatari oo degdeg ah awgood, Mrs Hardman waxa ay tiri “Israa’iil si fudud uguma tiirsanaan karto inay marwaliba ku marmarsiyooto joogitaanka kooxaha hubeysan si ay u caddeyso barakicinta rayidka.”

Waxay intaas ku dartay, "Israa'iil waa inay caddeysaa xaalad kasta in barakicinta rayidka ay tahay ikhtiyaarka keliya" si ay si buuxda ugu hoggaansanto sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in si ka soo horjeeda sheegashada saraakiisha Israa’iil, falalka ay ku kacayaan aysan waafaqsanayn shuruucda dagaalka, waxayna ku macneeyeen in ciidamada Israa’iil ay si ula kac ah u fuliyeen burburinta guryaha iyo kaabayaasha rayidka.