12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2024
Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada oo Berri looga dareerayo Somaliland
 

Talaado, October, 12, 2024 (HOL) - Waxa berri guud ahaan Somaliland looga dareerayaa doorashooyinka isasaarka ah ee madaxtooyada iyo xisbiyada.

Doorashooyinkan ayaa muddo 2 sanno ah wakhtigoodii dib uga dhacay, kadib khilaaf hadheeyay xeerarka doorashooyinka, iyada oo ay xukuumadu rabtay in doorashada ururada laga soo horaysiiyo ta madaxtooyada si musharixiinta xisbiyada soo baxa ay ugu tartamaan doorashada madaxtooyada taasi oo ay mucaaradku diideen.

Mudadii uu khilaafku jiray waxa dhashay jabhado sababay in amnigu khatar galo iyada oo Jabhadii Buurta Gacan Libaax ay shirqool ku dishay in ka badan 10 askari oo nabad ilaalin loo geeyay agagaarka buurta, sidookale, ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhintay mudaharaado ay mucaaradku soo abaabuleen kadib markii ay guurtidu muddo laba sanno ah u kordhiyeen Madaxweyne Biixi.

Muddo kadib waxa suuragashay in la xaliyo khilaafkii doorashada iyada oo odayaal dhaqameed is xilqaamay ay go'aamiyeen in doorashada ururada iyo madaxtooyada la israaciyo isla markaana ururada cusubi u tartamaan kali ah doorashada ururada, xisbiyadii hore u jirayna ay labadaba u tartamaan.

Kadibna golayaasha baarlamaanka iyo madaxweynaha ayaa meelmariyay go'aamadii kasoo baxay odayaasha taasi oo suuragalisay in is qabqabsi kadib ay hirgasho doorashada berri qabsoomi doontaa.

Tartanka ugu adag ayaa berri dhexmari doona Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ka sharaxan xisbiga Waddani iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxan xisbiga Kulmiye oo muddo ka badan 14 sanno talada Somaliland hayay, sidookale, in ka badan 1 milyan oo qof ayaa u dareeri doona goobaha codaynta.