Hiiraan Online
12/27/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2024
Madaxweynaha Soomaaliya oo hogaamiyaasha Carabta hordhigay Xalka Falastiin
Isniin, November, 11, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka wadamada iskaashiga islaamka iyo kuwa Jaamacadda Carabta ayaa ka hor sheegay madaxda Carabta ee shirka fadhiday xalka lagu qaboojin karo xiisada ka dhex jirta Falastiiniyiinta iyo Isra’il.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shaaca ka qaaday in aan loo dulqaadan karin inay sii socdaan gumaadka lagu haayo Shacabka reer Falastiin iyo kuwa dalka Lubnaan oo ay wado Isra’il.
“Qadiyadda Gaza, waa mid ka gun weyn siyaasad iyo afkaar intaba, waxa ayna salka ku haysaa xuquuqda aadanaha, karaamada iyo caddaaladda. Xalka nabad waarta oo bariga dhexe ka dhalata, waxa uu ku imaan karaa oo kaliya in la sameeyo dowlad Falastiini ah oo leh xuduudaheedii 1967-kii, caasimaddeeduna tahay Qudus” Ayuu ku yiri khudbadiisi Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo Shacabka dhibaateysan ee reer Gaza sidoo kalana la xoojiyo dadaalada Xalka waara loogu raadinayo dagaalka Gaza iyo Lubnaan.