12/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 10, 2024
Dagaal khasaare lagu gaarsiiyay kooxda Al-shabaab oo ka dhacay Galgaduud
 

Axad, November, 10, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Saakay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen fariisimo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada iskaashanaya ay ka hortageeen weerarka ay kooxdu kusoo qaaday magaalada Masagawaa, islamarkaana khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay xubnahii weerarka soo qaaday.

"Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo kawar qabay weerarka ayaa cashar u dhigay maleeshiyaadkii Khawaarijta ee la soo qalday, ciidamada ayaa sii daba jooga firxad argagixisada waxayna howlgal ka wadaan dhulka ku teedsan degaanka Dhabaqle" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Dhame Maxamed Ereg oo kamid ah saraakiisha guutadda 77-aad ee ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magaalada Masagawaa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in kooxda lagu gaarsiiyay khasaare xooggan, islamarkaana ciidanku ay ku howlan yihiino tirinta xubnaha weerarka looga dilay Al-shabaab.

Weerarkaan ka dhacay magaalada Masagawaa ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaano iyo degmooyin ku yaala bariga gobolka Galgaduud bilahii lasoo dhaafay ay ka socdeen howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana xusid mudan in howlgaladaasi kooxda looga saaray dhul balaaran oo ay horay u maamuli jirtay kooxda.