1/2/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 1 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh "Doorasho dadban aniga qof iiga aqoon badan majirto mana ku laaban doono"
  

Jimco, November, 1, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale si adag uga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, isagoo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeedinaayay soo xirista shiweynaha 5-aad ee Hoggaaminta iyo Hal abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed oo Muqdisho ka socday labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn dhallinyarada Soomaaliyeed bogaadiyey, isagoona ka dalbaday iney ka shaqeyaan horumarka iyo dowladnimada dalka.

Isagoo ka hadlaayay arrimaha doorashooyinka ayuu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in aan marnaba laga laaban doonin qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah iney ka dhacdo dalka.

"Aniga qof Siyaasi ah oo iiga aqoon badan doorasho dadban ma jiro Xildhibaan ayaa leygu soo doortay oo madaxweyne ayaa leygu soo doortay mudo laba jeer ah, 24 sano ayaan ku soo jirnay doorasho dadban marnaba lagama laaban doono qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah, halkii la joogay Shalay hala sii joogo cidna ka yeeli maynoā€¯ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay madaxweynaha in mudo dheer lagu soo jiray doorasho dadban, hadana la joogo waqtii uu dalka u gudbi lahaa doorasho qof iyo cod ah.

"Waxaan soo marnay doorasho dadban oo inta qofkii la rabo qof lagu xareysto la yiraahdo warqadaan ii saxiix oo ii codeey, waxaan 2016 dalka soo gaarsiinay doorasho taas ka yara duwaneyd oo aheyd in kursi kasta beesheeda 51 xubnood u codeyaan shaqsiyadka waxgaradkoda soo gudbiyaan, madama habka awood qeybsiga ahaa 4.5, wax fiican ma aheyn balse xal ayaan u aragnay, laakiin hada waxaan rabna inan waxaas dhan ka gudubno oo doorasho qof iyo cod ah qabano" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan madaxda Golaha wadatashiga Qaranka oo ay ka maqnayeen madaxda Puntland iyo Jubbaland go'aan ku gaareen in maamul goboleedyada mudo hal sano ah loo kordhiyo, islamarkaana dalka ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah.