10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2024
Daacish oo isku ballaarisay dhulka buuralayda gobolka Bari ee Puntland
 

Talaado, May, 28, 2024 (HOL) - Warbixin cusub oo ay soo saartay xarunta siyaasadda Imaaraadka ayaa lagu muujiyay khatarta sii kordheysa ee ka imaanay Puntland.

Isballaarintaan ayaa ku timid Khasaarooyin ku yimid kooxda ay iska soo horjeedaan ee Al-Shabaab oo la safan Al-Qaacida.

Wararka ayaa sheegaya in Daacish ay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta Buuraleyda Al-Miskaad ee istiraatiijiga ah kadib dagaalo sanado badan qaatay oo dhexmaray labada dhinac.

“Balaadhinta Daacish ee Puntland waxa ay kooxda siisaa dacaayad weyn oo lagu xoojinayo dadaallada qorista iyo soo jiidashada dagaalyahannada ajnabiga ah,” ayuu yiri Axmed Khaalid, oo ah falanqeeye la-dagaalanka argagixisada kana ka tirsan Xarunta Siyaasadda Imaaraadka, isla markaana ah qoraaga warbixintan.

Warbixintu waxay ka digaysaa in guulaha Daacish ee Puntland ay adkeyn karto dadaallada la dagaallanka argagixisada ee Soomaaliya oo dhan, ayna saameyn ku yeelan karto amniga badda gobolka iyo danaha saaxiibada caalamiga ah.

Waxaa jira walaac laga qabo in kooxdu ay ku lug yeelato falalka burcad badeednimada biyaha Soomaaliya.

"Maamulka Puntland waa in uu mudnaan siiyo sidii loo xakameyn lahaa khatarta ISIS ee isku fidineysa gudaha gobolka," ayuu yiri Khalid. "Tani waxaa lagu gaari karaa iyada oo la kordhiyo shaqada sirdoonka iyo ka qaybgalka bulshada, iyada oo ujeedadu tahay in laga hortago sii xumaanshaha xaaladda amniga, la jiijiyo qulqulka maalgelinta ISIS, iyo in la wiiqo xiriirkeeda urureed ee xuduudaha."

Iyadoo loollanka u dhaxeeya Daacish iyo Al-Shabaab uu sii xoogeysanayo, ayaa haddana xaaladda ammaan ee Puntland iyo guud ahaan gobolka ay tahay mid halis ah, sida lagu sheegay warbixinta, taasoo saameyn ku yeelan karta xasilloonida gobolka iyo dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro argagixisada.