10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 28, 2024
Howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo ka dhacay xadka maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle
 

Talaado, May, 28, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgalo ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay ka sameeyeen saacadahii lasoo dhaafay deegaano ku yaala xaduuda ay wadaagaan gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ee maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Howlgaladaan oo ay si gaar ah u fuliyeen ciidanka Danab ayaa la sheegay in lagu soo qabqabtay xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo doonayay iney isaga gudbaan xaduudaha ay wadagaan goboladaas.

Wararka waxay intaas ku darayaan in ciidanka ay sidoo kale wadooyinka dhaca xaduuda sadaxda gobol iney ka sameeyeen howlgalo miino baaris ah, waxaana sidoo kale la tilmaamay in howlgalka ay qeyb ka ahayeen diyaaradaha dagaalka ee ciidamada dowladda ka taageera dhanka cirka.

Si kastaba ha ahaatee lama soo warin wax iska hor maad ah iyo khasaare nafeed ah ka dhashay howlgalka marka laga soo tago xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee lasoo qabqabgay oo aan tiradooda rasmiga ah la shaacin.

Ugu dambeyntii saraakiisha ciidanka Danab ee howlgalka hoggaamineysay ayaa intaas ku daray in u jeedka howgaladaaani ay qayb ka yihiin xaqiijinta amniga deegaanada ku yaala xudka kala qeybsha maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug.