10/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 21, 2024
Hay'adda maaraynta musiibooyinka oo digniin kasoo saartay duufaan culus oo kusoo wajahan degaanada xeebaha
 

Talaado, May, 21, 2024 (HOL) - Hay'adda Maareynta Musiibooyinka ee dowladda Soomaaliya ayaa ka digtay loogu magacdaray ๐—Ÿ๐—ฎ๐—น๐˜†, taas oo ku soo wajahan magaaloyinka xeebaha dhaca, si gaar ah Muqdisho, Baraawe, Marka, Jamaame, kismaayo iyo Badhaadhe.

Warsaxaafadeed kasoo baxay hayโ€™adda, ayaa lagu sheegay, cabsida ugu weyn ee laga qabo duufaan inay tahay, in ay geysato burbur hantiyeed. Waxay hayโ€™addu si gaar ah walaac uga muujisay degaanada xeebaha, halkaas oo ah meelaha ugu nugul oo ay dufaantu khasaaraha ugu weyn ka geysan karto.

Hayโ€™addu waxay uga digtay dadka ku nool degaanada xeebaha inay ka feejignaadaan khataraha ka dhalan kara duufaanta kusoo wajahan degaanadooda, waxayna u sheegtay inay badda ka saaraan qalabka kalluumaysiga, kana fogaadaan aagga xeebaha.