10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2024
Booliiska Somaliland oo burbur u gaystay xarunta muuqbaahiyaha MMTV, xidhayna mulkilihii iyo hawlwadeeno kale
 

Axad, January, 7, 2024 (HOL) - Booliiska Somaliland ayaa burbur u gaystay xarunta muuqbaahiyaha MMTV ee magaalada Hargaysa, iyaga oo xidhay Mulkiile Maxamed Cabdi Ilig iyo hawlwadeeno kale, xili ay doodi ka socotay barta X.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxday MMTV, askar  ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa  xalay soo weeraray Xarunta MM-TV ee Magaalada Hargeisa, Halkaas oo ay dhibaato iyo gacan ka hadal ugu gaysteen Maamulka iyo xubno ka tirsan hawl-wadeenada shaqada ku sugnaa, xili ay socotay dood ku saabsan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

"Ciidamada falka gaystay ee sida fawdada ah usoo weeraray MM-TV, waxay burburiyeen qalabkii yaalay xarunta qaybna way qaateen, waxa kale oo ay joojiyeen dood ka socotay Barta Twitter-ka ee TV-ga dooddaas oo ku saabsanayd ' faa’iidada iyo halista uu yeelan karo Isfahamka badda ee Somaliland iyo Itoobiya" ayaa lagu yidhi warsaxaafadeeda.

Warsaxaafadeeda waxa lagu sheegay in  dooddaas aanay marnaba ku jirin wax dambi iyo xadgudub ah uuna ka qaybgalay Mudane Faysal Cali sheekh oo ah Masuul culus oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo Mudane Yuusuf Garaad Cumar, oo Xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadda Soomaaliya.

Qoraalka MMTV waxa lagu sheegy in Mudane Faysal Cali Sheekh, ka hor intii aanu ka qaybgalin doodda ay ka wada hadleen isla markaana ay la ogaayeen  masuuliyiinta sare oo xukuumada ka tirsan oo ka warqabay in uu doodda ku matalayo ayna aqbaleen oo ku ogaayeen.

Xukuumada Somaliland wali kama hadal sababta dooda loo joojiyey iyo waxa keenay in burbur loo gaysto xarun warbaahineed oo xor ah.