10/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 7 , 2024
22 Musharax oo u taagan madaxtinimada Puntland oo saakay hortagay baarlamaanka

Axad, January, 7, 2024 (HOL) - 22 Musharax oo u taagan xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland, ayaa saakay hortagay baarlamaanka, iyagoo jeedinaya khudbadahooda ay kusoo bandhigayaan barmaamijyadooda siyaasadeed.

Waa maalintii ugu dambeysay oo loo diyaar garoobayo doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Musharixiinta ayaa hoolka baarlamaanka ka sheegay inay aqbalayaan natiijada doorashada kasoo baxda, iyagoo sheegay inay la shaqeyn doonaan madaxweyne kaste oo ku guulaysta doorashada berrito dhacaysa.

Madaxweynaha uu xilku ka dhamaaday Siciid Deni ayaa haysta fursad uu kusoo laaban karo, iyadoo loo sababaynayo saamaynta uu ku leeyahay habka loosoo xulay baarlamaanka cusub, isagoo lagu eedeeyay inuu ku sameeyay faro galin qaawan oo aan horey loo arag.

Hase ahaatee, musharaxiinta mucaaradka oo qaar kamid ah ay isku tanaasuleen ayaa wada olole xooggan oo ay ku doonayaan inay ugu dambayn codadkooda isugu geeyaan hal meel si ay meesha uga saaraan madaxweyne Deni.

Todobo kamid ah musharaxiinta u tartamaya madaxweynaha ayaa kasoo jeeda gobolka Nugaal. Labo waxay kasoo jeeda gobolka Mudug, labo kalena gobolka Karkaar ama Bari.

Qabsoomidda doorashada ayaa soo afmeeri doonta kadib muddo dhowr bilood ah oo uu taagnaa khilaaf u dhaxeeyay madaxweyne Deni iyo mucaaradka, taasoo meesha ka saartay doorashada qof iyo cod.