12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2024
Maraykanka oo qaaday duqaymo lagu bartilmaameedsaday xeryo ay leeyihiin kooxda ISIS
 

Isniin, December, 9, 2024 (HOL) - Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa qaaday tobanaan duqaymo ah oo lagu bartilmaameedsaday xeryo ISIS ay ku leeyihiin bartamaha dalka Suuriya.

Duqeymahan ka dhanka ah horjoogayaasha, howl-wadeenada iyo xerooyinka Daacish, ayaa qeyb ka ah howlgalka looga hortago in kooxaha argagixisada ah ay fuliyaan howlgalo dibadda ah, isla markaana Daacish aysan dooneyn inay ka faa’ideystaan. xaaladda haatan ka jirta Suuriya.

Hawlgalku wuxuu gantaalo ku garaacay in ka badan 75 bartilmaameed. Waxaa socda qiimeynta khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana jiraan wax  muujinaya khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

"Shaki kuma jiro -mana oggolaan doono in ISIS ay dib isku dhisto oo ay ka faa'iideysato xaaladda hadda ka jirta Suuriya. Dhammaan ururada Suuriya waa inay ogaadaan inaan kula xisaabtami doono haddii ay la shaqeeyaan ama taageeraan ISIS,” ayuu yiri General Erik Kurilla oo howlgalkan hoggaaminayay.

Maraykanka ayaa sheegay inuu sii wadi doono fulinta hawlgallada lagu dhimayo awoodda hawlgallada ISIS.