12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2024
Shirka Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo lagu soo gabagabeeyay Muqdisho
 

Isniin, December, 9, 2024 (HOL) - Shirkaan oo ka socday magaalada Muqdisho labadi maalin ee lasoo dhaafay ayaa ahaa mid looga hadlay muhiimada Istiraatiijiyada xiriirka Warbaahinta Soomaaliya iyo sidii loo mideyn lahaa fariimaha Dowladda iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka ee xubnaha ka ah dowladda Federaalka.

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo agaasintay shirkaan waxaana ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan oo ka socotay dowladda Fedaraalka, dowlad goboleedyada dalka, Maamulka gobolka Banaadir, Warbaahinta, bulshada rayidka iyo Wakiilo ka socday Saaxiibada Caalamka.

"Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ee maanta lasoo xiray oo ay qabashadeeda Wasaaradda uu ka taageeray Hawlgalka ku meel gaarka ah ee Qaramada midoobay l UNTMIS ayaa filashadeedu tahay inuu horseed u noqdo Jihaynta Bulshada ee Dowlad dhiska, mideynta Fariimaha iyo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga Bulshadeena" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ahna ku simaha Wasiirka Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa fariimaha dowladda iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Shirkaan ayaa ahaa mid lagu faaqiday saddex dood oo kala ahaa Maareynta muhiimada Xiriirka Warbaahinta Xilligaan Casriga ah, hagaajinta iyo Mideynta fariimaha hay’addaha kala duwan ee Dowladda, iyo Fududeynta Xaqa Xog Helista Warbaahinta iyo Dadweynaha.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa dhankiisa tilmaamay in shirkaan uu ahaa fursad ay ku wada hadlaan dowladda, Warbaahinta iyo dadweynaha si loo xoojiyo wacyigalinta dadweynaha iyo kor u qaadista daah furnaanta dowladda.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo dhankiisa hadal ka jeediyay shirka ayaa sheegay in Warbaahintu door muhiim ah ka qaadatay dagaalka dalka looga xoreynaayo Al-shabaab.

“Guulaha laga gaaray Dagaalka Khawaarijta, warbaahinta waxay ka qaadatay Door muhiim ah, waxaa lasoo bandhigay Boobka iyo Dullaysiga Khawaarijtu ku haysay Bulshadii laga xoreeyay” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur jaamac.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta Xukuumdda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin ayaa dhankiisa shirka ka sheegay iney ku guuleysteen xeristo Akoono kooxda Al-shabaab ku laheyd baraha bulshada.

”Inaga oo kaashanayna Wasaaradda Warfaafinta waxaan meesha ka saarnay kumanaan Akoonno Baraha Bulshada ku laheyd Khawaarijtu kuwaas oo marin habaabinaayay Dadkeena” ayuu yiri Wasiirka Isgaarsiinta Xukuumdda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin.

Ugu dambeyntii Wakiilada ka socday Saaxiibadda Caalamka ayaa dhankood talaabo wanaagsan ku tilmaamay in horumarinta iyo midaynta xiriirka Warbaahinta iyo in laga hortago wararka been abuurka ah oo ay Al-shabaab ku marin habaabinayaan bulshada.