12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2024
Ciidamada Jubaland iyo kuwa Al shabaab oo ku dagaalamay Deegaanka Buula Xaaji ee Jubadda Hoose
 

Sabti, December, 7, 2024 (HOL) - Faahfaahino dheerad ah ayaa laga helayaa Dagaal Khasaaro dhaliyay oo Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Kooxda Al-Shabaab ku dhexmaray Deegaanka Buulo Xaaji Ee Gobalka Jubada Hoose.

Dagaalkaan oo socday muddo ku dhow 40 daqiiqo ayaa la xaqiijiyay in Koox ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen Fariisimo Ciidanka sida gaarka u tababaran ee Birjeex Maamulka Jubaland ku leeyihiin Deegaanka Buulo Xaaji ee Waqooyiga Magaalada Kismaayo sida uu laanta VOA-da afkeedi Soomalaiga u xaqiijiyay afhayeenka ciidamada Jubaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir.  .

Afhayeenka ciidamada Jubaland Gaashaanle Dhexe Maxamed Faarax Daahir ayaa sheegay in laba askari ay kaga geeriyootay dagaalka mid kalana uu dhaawac kasoo gaaray, dhinaca kale waxa uu xusay in Al -shabaab ay goobta dagaalka kaga tageen 9 meyd oo dagaalyahanadii weerarka soo qaaday, halka uu tilmaamay inay horey usii qaateen meydad iyo maleeshiyaad kale oo dhaawac ah.

Kooxda Al-Shabaab oo ku xooggan Jubbooyinka ayaa markaan loo arkaa inay ka faa’iideysanayso Xiisadda u dhaxeysa Dowladda Fedaraalka iyo Maamulka Jubaland.

Xaaladda degaanka Buula Xaaji ah mid haatan degan, Deegaankaan ayaa 65 km dhanka Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, dhowr jeer oo Al shabaab ay soo weerartay degaankaan, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare xoogan.