12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2024
Haweeney Soomaaliyeed oo loo doortay Guddoomiyaha Madasha Nabadda Haweenka ee IGAD
 

Jimco, December, 6, 2024 (HOL) - Sacdiya Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha Waaxda Jinsiga ee Soomaaliya ayaa loo doortay Guddoomiyaha Madasha Nabadda iyo Amniga Haweenka ee urur goboleedka IGAD.

Doorasho 4-tii December ka dhacday magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ayay Sacdiya ay ku xaqiijisay xilkaas kadib markii uu ka tanaasulay musharraxa South Sudan Amer Manyok Deng oo la wareegay xilka guddoomiye ku xigeenka.

Doorashada Sacdiya ayaa lagu tilmaamay mid muujineysa saameynta sii kordheysa ee Soomaaliya ay ku leedahay dadaallada nabadda ee gobolka, iyo fursadda isbeddelka haweenka Soomaaliyeed si ay u muujiyaan hoggaaminta masraxa caalamiga ah.

Doorashada Sacdiya ayaa daba socotay sanado badan oo u ololeynaysey xuquuqda haweenka Soomaaliyeed iyo dadaallada nabad-dhisidda.

"Waxaan carrabka ku adkeynay muhiimadda ay nabadda iyo doorka haweenku u leeyihiin mideynta bulshooyinka. Madashani ma ahan mid ku saabsan Soomaaliya oo keliya, waa mid ku saabsan sidii fursado loogu abuuri lahaa dhammaan haweenka Geeska Afrika," ayay tiri Sacdiya.

Muddada ay xilka hayso, Sacdiya waxa ay qorshaynaysaa in ay diiradda saarto saddex arrimood oo muhim ah: awood siinta haweenka dhammaan dalalka xubnaha ka ah IGAD, horumarinta hindisayaasha nabadda ee gobolka, iyo horumarinta is-dhexgalka bulshada.

Waxay carrabka ku adkeysay baahida loo qabo in si wadajir ah wax looga qabto caqabadaha haweenka ee gobollada ay colaaduhu saameeyeen.

Madasha Nabadda iyo Amniga Haweenka IGAD ayaa loo sameeyay si wax looga qabto caqabadaha gaarka ah ee ay la kulmaan haweenka gobolka, gaar ahaan meelaha ay colaaduhu saameeyeen.