12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2024
Burcad-badeedda Soomaalida oo markab kalluumaysi oo laga leeyahay Shiinaha ka afduubatay xeebaha Puntland
 

Jimco, December, 6, 2024 (HOL) - Burcad-badeed hubeysan ayaa gacanta ku dhigay markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo ay la socdeen 18-shaqaale ah, sida ay xaqiijiyeen ciidamada badda Midowga Yurub ee EUNAVFOR.

Afduubka markabkan ayaa ka dhacay xeebaha waqooyi bari ee Puntland, iyadoo afduubkaan uu ka dhigan yahay in ay dib u soo cusboonaadeen falalka burcad badeedda ee xeebaha degaanada Puntland.

Kooxaha burcad badeedda ee qabsaday markabkan ayaa ku hubeysnaa AK-47 iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Lama sheegin wax dhaawac ah ama dhimasho ah oo soo gaaray shaqaalaha la socda markabka, sida lagu sheegay war  kasoo baxay EUNAVFOR.

Afduubka markabka Shiinaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay kordheen isu socodka badda ee biyaha Soomaaliya, taasoo ka dhalatay iska horimaadyo ka dhacay badda cas iyo marinka Bab el-Mandeb oo ku qasbay maraakiibta inay dib ugu laabtaan isticmaalka biyaha Soomaaliya si ay uga badbaadaan weerarrada fallaagada Xuutiyiinta.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in arrimahan oo kale ay ka dhigaan biyaha Soomaaliya kuwo si weyn ugu nugul burcad-badeednimada.

EUNAVFOR ayaa ka warbixisay 43 dhacdo oo la xiriiraa budhcad-badeednimo intii u dhaxaysay November 2023 iyo Oktoobar 2024, iyada oo la xaqiijiyay 27 weerar.

Kiisaska ugu dambeeyay waxaa ka mid ah afduubkii markabka MV Abdullah, oo la sii daayay ka dib markii la bixiyay lacag madaxfurasho ah oo dhan 5 milyan oo dollar.