Jimco, December 27, 2024 (HOL) - Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay inay dhowaan bilaabayaan howlgalka ka dhan ah Kooxda Daacish oo ka dhaq dhaqaaqda Buuraha Degaanada Puntland waxaana uu tilmaamay inay caqabad ku yihiin amaanka guud ee Puntland iyo dhaq dhaqaaqyada ganacsi ee ka socda.
Wasiirka oo wareysi siiyay BBCda laanteedi Afka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay diyaariyeen ciidamo ku filan howlgalkaasi ayna ku garab taagan yihiin shacabka degaanada Puntland balse waxa uu si taxadar leh u muujiyay inay wali fursad siinayaan kuwa kamidka ah Kooxda ISIS ee Soomaaliya oo ay siyeen fursad ay hubka ku dhigaan dibna dadkoodi ugu soo laabtaan.
"In badan ayay buuraha gaadmo ka wadeen, beec-mushtarka ayay soo faragaliyeen, dadkey dhibeen, culumo ayay laayeen, waxgarad bay laayeen oo cuqaal bay laayeen" ayuu yiri Wasiir Dirir.
Wasiirka waxa uu tilmaamay in buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan oo aad u dhaadheer haddana qorshahoodi yahay inay ka ciribtiraan degaanada Puntland oo ay kooxda ka howlgasho.
"Holwgalka waa uu bilaabmay oo ciidamadii waa la geeyay meeshii ay ka gaari lahaayeen oo nimanku ay ku dhuumanayeen oo buuraha ahaa waa la geeyay, waad maqlaysay in ciidamadii iyo saraakiishii ay isa soo taageen iyaga oo diyaarsan howlgalkaasi daqiiqad kasta wuu bilaaban karaa" ayuu yiri.
Dhawaan ayay ahayd markii ay Puntland soo bandhigtay hub iyo ciidan ay sheegtay in ay ka qeyb qaadan doonan dagaalka ka dhanka ah Daacish.