12/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2024
Itoobiya oo xukun ku riday 81 xubnood oo la sheegay inay kamid ahaayeen kooxda Al Shabaab
 

Jimco, December 27, 2024 (HOL) - Maxkamadda sare ee Itoobiya laanteeda Diridhabe qeybta dambiyada culus ee Jigjiga ayaa xukuno adag ku riday xubno la sheegay inay kamid ahaayeen kooxda Al Shabaab, kuwaas oo sannadkii 2022ka laga qabtay degaannada ku yaal xuduudda ay Itoobiya la leedahay Soomaaliya.

Xubanaha lagu eedeeyay inay kamid yihiin kooxda Al Shabaab ee la xukumay oo gaadhaya ilaa 81 qof ayay Maxkamaddu sheegtay in lagu helay falal ay ku tilmaantay Argagaxiso kuwaas oo ka dhacay gudaha Dowlad Degaanka Soomaalida, iyagoo dhinaca kale sheegay inay xubnahani hoggaaminayeen isla markaana ka qaybqaateen dagaalkii ka dhacay Yeed iyo Aato oo ka tirsan gobolka Afdheer kuna yaal xuduudda Itoobiya iyo Soomaaliya sannadkii 2022.

Maxkamadda sare ee Itoobiya ayaa sidoo kale sheegtay in ay xubnahani ku heshay caddaymo iyo markhaatiyo ku caddeeyay falalka lagu soo eedeeyay, iyadoo Maxkamaddu soo bandhigtay 57 qof oo Markhaati ku ah xubnahan loohaysto inay kamid ahaayeen Al Shabaab, iyo ilaa 396 bog oo qoraal ah oo la sheegay inay caddaynayaan kamid ahaanshahooda kooxda Al Shabaab.

Intaa kaddib Maxkamddu waxay xukun 20 sano oo xarig ah ku riday 18 xubnood oo kamid ah 81kii qof ee Maxkamadda lasootaagay, halka 63da soo hadhay lagu xukumay xarig u dhaxeeya 12 sano ilaa 18 sano, sida ay ku warantay Warbaahinta FBC ee ku hadasha Afka Dowladda Itoobiya.

Bishii Luulyo ee sannadkii 2022ka ayaa waxaa degaal adag uu ka dhacay degaannada Yeed iyo Aato oo ka tirsan gobolka Afdheer ee Dowlad Degaanka Soomaalida, dagaalkaas oo u dhaxeeyay Liyuu Booliska degaanka Soomaalida iyo kooxda Al Shabaab, xilligaas ayaa waxaa la qabtay xubno badan oo ay Dowladdu ku sheegtay inay kamid yihiin kooxda Al Shabaab, kuwaas oo intoodii badnayd xukuno kala duwan lagu riday.