12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2024
Somaliland oo Sheegtay In Ciidanka Liyuu Booliisku Ay Xasuuq Ka Gaysteen Dacawaley
 

Arbaco, December 25, 2024 (HOL) - Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Ciidamada Gaarka ah ee Deggaanka Soomaalidda Itoobiya ee loo yaqaan Liyuu Booliis, ay xasuuq u gaysteen dadka deegaanka Dacawaley ee maanta dagaalku ka dhacay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Amniga, ayaa lagu cambaareeyay dagaalka maanta ka dhacay Dacawaley, kaasi oo ay ku nafwaayeen dad shacab ah.

"Xukuumadda waxaa uu cambaaraynayaa Xasuuqa ay degaanka Dacawaley ee Maamulka Soomalida Itoobiya ay ka geysteen Ciidamada Liyuu Booliiska, kuwaas oo xasuuq u geystey dad shacab ah oo xoolo dhaqato ah, arrintaasoo ka soo horjeedda xaquuqda aadamaha iyo hanaanka dowladnimo" " ayaa lagu yidhi qoraalka.

Waxa kale oo qoraalka lagu sheegay in  Ciidamada Liyuu Booliska ay deggaanka Dacawaley ka afduubeen madax-dhaqameed ka soo jeedda Somaliland, kuwaasoo halkaa u tegey ka shaqaynta nabadda iyo daminta colaadda halkaa ka dhacday maalmihii u danbeeyey, taas oo ay xukuumadu ku tilmaantay gef iyo xadgudub cad.

Xukuumadda Somliland waxay sheegtay in Madaxweynaha Deeggaanka Soomaalidda Mustafe Muxumed Cumar, uu u sheegay in uu aad uga xumaaday falka ay ciidamada Liyuu Booliska ka geesteen deeggaanka Dacawaley.

Waxa kale oo uu qoraalku intaa ku daray in xukuumadda Somaliland ay dhacdadan kala xidhiidhay dowlada Itoobiya, isla markaana ay saraakiil ka socda labada dhinac berri ku kulmi doonaan xadka, si go'aan looga gaadho dhacdadan.

Somaliland waxay sheegtay in Ciidamada Liyuu Booliisku ay qaadidoonaan masuuliyada dhibaatada ka dhacday Dacawaley, oo maanta dad shacab ah lagu laayay kadib markii ay ciidamadu sheegeen in ay la dagaalamayaan maleeshiyo beeleed.