Hiiraan Online
12/26/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2024
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Itoobiya marin badeed laga siinayo badda Cas
Arbaco, December 25, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya marin dhanka badda ah laga siin doono Badda Cas, si ay Itoobiya uga hesho deked ganacsi.
Wasiirka arrimaha Arimaha dibada Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siiyay Warbaahinta Asharq.
“Dariiqa ay Itoobiya ka heli doonto badda cas waa marin ganacsi iyo deked, waxaana ay hoos tagi doontaa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Fiqi.
Wasiirka Arrimaha Dibaddu ma sheegin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan meesha Itoobiya ka helayso marin badeedka badda Cas.
Baaqii kasoo baxay heshiiskii Ankara ayaa qeyb ka ahaa in Itoobiya ay marin badeed ka hesho Soomaaliya, iyadoo marinkaas uu noqonayo mid ay dowladda Federaalku bixinayso.
Taasi waxay meesha ka saaraysaa heshiiskii ay Itoobiya la gashay Somaliland bishii January ee sannadkan.