Arbaco, December 25, 2024 (HOL) - Wararka ka
imaanaya magaalada Dacawaley ee Dowlad Degaanka Soomaalida ayaa sheegaya
in saaka uu mar kale dagaal culus ka bilowday magaalada Dacawaley,
dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa Ciidamada Dowlad Degaanka Soomaalida
iyo dadka deegaanka.
Dagaalkan oo bilowday
6dii subaxnimo ee saaka ayaa waxa uu ka bilowday magaalada Dacawaley
iyo magaalooyinka oo katirsan degmada Xarshin ee Dowlad Degaanka
Soomaalida, waxaana lasoo sheegayaa in dagaalka saaka dib uga billowday
degaanka Dacawaley uu aad uga culus yahay dagaalladii maalmihii lasoo
dhaafay ka socday aagaas.
Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha dhabta ah ee ilaa hadda ka dhashay dagaalkan maanta.
Dhinaca
kale waxaa lasoo sheegayaa oo ilo madax banaan ay soo sheegayaan in la
xidhay guud ahaan xuduudka uu degaanka Soomaalidu la wadaago Somaliland,
gaar ahaan aagaga uu maanta dagaalku ka socdo, waxaa xuduuda saaka
xidhay Ciidanka Militariga Itoobiya oo kaashanaya kuwa Dowlad Degaanka
Soomaalida, sababta loo xidhay ayaa lagu sheegay si aysan gurmad dibadda
ah u helin dadka deegaanka ee ku sugan gudaha Dacawaley oo kasoo jeeda Somaliland.
Dagaallada
saaka dib uga qarxay magaalada Dacawaley ayaa kusoo aadaya xilli
maalmihi lasoo dhaafay ay degganayd xaaladda Dacawaley, inkastoo ay
labada dhinac is horfadhiyeen dhowr jeer oo la isku dayay in xal laga
gaaro colaadana lagu guulaysan waayay, ayaa mar kale saaka dib
dagaalkani uga qarxay Dacawaley iyo magaalooyin dhowr ah oo ku teedsan
dhinaca xuduuda uu degaanku la wadaago Somaliland.