Talaado, December 24, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug laba Xidigle Xasan Cabdi Maxamed oo loo yaqiinay Xasan Quuri, oo horay u soo noqday taliye ku xigeenka Saldhigyada Booliiska Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Dilka Sarkaalkaan ayaa ka dhacay meel aanan sidaas uga fogeyn Isbitaalka magaalada Dhuusamareeb, waxaana lagu dhex dilay gaari uu watay oo lagu rasaaseeyay marxuumka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xiliga Sarkaalkaan lagu dhex rasaaseynaayay gaarigiisa iney la saarneyd Haweeney rasaasta ay kasoo gaartay dhaawac fudud.
Warar hoose oo soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in dilka sarkaalkaan uu la xariiro arrimo Jaceyl, islamarkaana dilkiisa uu geystay nin la sheegay inuu jeclaa gabadha la joogtay Sarkaalka xiliga la dilaayay.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada amaanka Galmudug ay goordhaw gacanta kusoo dhigeen nin loo heysto inuu ka dambeeyo dilka laba Xidigle Xasan Quuri.
Ninka loo soo qabtay dilka Sarkaalka ayaa ah askari ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana Saraakiisha Booliiska Dhuusamareeb ay sheegeen in ninkaan uu hadda ku socda baaritaan, islamarkaana natiijada baaritaanka ay dib kasoo gudbin doonaan.