12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2024
Masar oo xaqiijisay inay ciidamado ku biiranayso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya
 

Talaado, December 24, 2024 (HOL) - Masar ayaa ciidamadeeda ku biirin doonta ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas ayaa sidaasi ka sheegay magaalada Qaahira.

"Masar waxa ay go'aansatay in ay ka qayb-gasho howlgalkan iyadoo ku saleynaysa codsiga dowladda Soomaaliya iyo soo dhaweynta golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika," ayuu yiri Badr Abdelatty oo shir jaraa'id ku qabtay Qaahira.

Hawlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika, ee loo yaqaan AUSSOM, ayaa beddeli doona howlgalka ATMIS ee dhammaanaya sanadkan.

"Waxaan ka hadalnay xaaladda Soomaaliya iyo taageerada Masar ee Soomaaliya ee ku aaddan madax-bannaanideeda iyo diidmada dhaqdhaqaaq kasta oo hal dhinac ah oo taabanaya midnimada, madaxbannaanida iyo amniga Soomaaliya," ayuu Abdelatty hadalkiisa ku daray.

Warka ay soo saartay dowladda Masar ayaa kusoo beegmaya, iyadoo Soomaaliya ay oggolaatay in ciidamada Itoobiya ay sii joogaan dalka kana sii mid ahaadaan howlgalka nabad ilaalinta sida uu dhawaan sheegay sarkaal dowladda Soomaaliya ka tirsan oo qariyay magaciisa.

Kaddib heshiiskii Ankara, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa bilaabay inay dib usoo celiyaan xiriirkoodii diblumaasiyadeed, inkastoo dowladda Soomaaliya ay shalay ciidamada Itoobiya ku eedeysay in ay ku xadgudbeen heshiiskii Ankara, kaddib markii ay dagaal ku qaadeen ciidamo dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa Doolow.