Madaxweynaha Jubbaland oo dalacsiiyay dalacsiiyay Taliyihii Aagga Waqooyi ee Kismaayo
Axad, December 22, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad
Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe, ayaa maanta darajada Gaashaanle
u dalacsiiyay Taliyihii Aagga Waqooyi ee magaalada Kismaayo, Dhame Cabdixakiin
Xasan Cartan, oo loo yaqaano Jabuuti.
Madaxtooyada Jubbaland ayaa sheegtay in Cabdixakiin Jabuuti
uu dalacsiinta ku muteystay kadib markii uu dhawaan iska diiday lacag gaareysay
$90,000 oo la sheegay in dowladda federaalka ay usoo bandhigtay, si uu u
afgambiyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
HOL si madax banaan uma xaqiijin karto wararka ku saabsan
lacagta loo soo bandhigay Cartan.
“Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed
Islaam, ayaa Dhame Cabdixakiin Xasan Cartan (Jabuuti), Taliyaha Aagga Waqooyi
ee magaalada Kismaayo ee Ciidanka Booliska Jubbaland, oo si geesinimo leh u
diiday damaca guracan ee Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaqaalaha ku kala furfurayay
ciidamada Jubbaland, u dalacsiiyay darajada Gaashaanle,” ayaa lagu yiri qoraal
kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale bogaadiyay
saraakiisha iyo shacabka reer Jubbaland oo iska diiday qorshihii dowladda
federaalka, inkastoo ciidamo badan oo Jubbaland ka tirsan ay dhowaan ku biiraan
militeriga federaalka.
Khilaafka dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ayaa si
weyn u soo shaac baxay wixii ka dambeeyay 25-kii November, xilligaas oo
Madaxweyne Axmed Madoobe uu qabtay doorashada maamulka. Khilaafkan siyaasadeed
ayaa markii dambe isku beddelay dagaal ka dhacay magaalada Raskambooni ee
gobolka Jubbada Hoose.