Axad, December 22, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay degmada Xarfo ee gobolka Mudug ee dhinca maamulka Puntland.
Dagaal ayaa dhexmaray laba maleeshiyo beeleed oo walaalo ah oo wada dega degmada Xarfo iyo nawaaxigeeda, wuxuuna geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqiijiyay ilaa labo ruux oo dhinacyada dagaalamay ah ayaa ku geeriyootay dagaalka, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.
Dagaalkaan ayaa ka dhashay murun iyo is qabqabsi ka bilaawday ceel biyood ku yaalay degmadaasi, kadib markii rag hubeysan ay gubeen matoorkii biyaha looga soo saarayay, islamarkaana ay duugeen ceelka sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo ku sugan degmada Xarfo.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland iney ku howla yihiin xal u helista dagaalka degmada Xarfo ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka bilaabeen kulamo ay la qaadanayaan duubabka dhaqanka labada beelood si loo kala dhexgalo maleeshiyaadkaan loona helo xal nabadeed.