12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 20, 2024
Dowladda Uganda oo ku baaqday in dhaqaale lala garab istaago Howlgalka cusub ee (AUSSOM) ee laga sameenayo Soomaaliya
 

Jimco, December 20, 2024 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Gen. Jeje Odongo, ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in dhaqaale joogto ah loo helo Hawlgalka cusub ee Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) intii uu socday kulan heer wasiir ah oo looga hadlayay xaaladda Soomaaliya iyo qabanqaabada gabagabeeynta howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Odongo ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyay Soomaaliya oo ay ku jiraan saddex doorasho oo xiriir ah iyo soo dhisidda dowlad la aamini karo.

Si kastaba ha ahaatee, waxa uu walaac ka muujiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Raas-kambooni, taasi oo uu sheegay in la xoojiyo kaliya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Wasiirka ayaa ku booriyay DFS iyo Jubaland inay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda, Sidoo kale, wuxuu soo dhaweeyay gunaanadka qodobadii kasoo baxay wada hadaladii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya, oo dhacay 11-kii December, 2024-ka.

Odongo ayaa carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in DFS ay mudnaan siiso tayeeynta ciidamada Qaranka qeybihiisa kala duwan,Waxa uu ka digay in AUSSOM aysan la kulmin caqabado la mid ah kuwii ay la kulmeen howlgaladii AMISOM iyo ATMIS, oo ay ka mid yihiin awoodsiin la’aanta iyo maalgelin la’aanta.

Wasiirka ayaa si adag u taageeray in si degdeg ah oo buuxda loo dhaqan geliyo Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2719 ee lagu maalgelinayo AUSSOM, laga bilaabo Janaayo 1, 2025.