12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 19, 2024
Puntland: Burcad badeed haysta markab Shiinaha laga leeyahay oo dalbaday 10 Milyan
 

Khamiis, December 19, 2024 (HOL) - Burcadbadeedda afduubka u haysata markab kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo dabayaaqadii bishii November ee sannadkan laga afduubtay xeebaha waqooyi-bari ee Soomaaliya ayaa dalbaday madaxfurasho lacageed oo dhan 10 milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Burcad badeedda oo markii hore doonayay 5 milyan oo dollar ayaa qiimaha laban laab ka dhigay, kaddib markii ay heleen caddeymo muujinaya in markab uu muddo 4 sano ah si sharci darro ah uga kalluumaysanayay xeebaha Puntland ee Soomaaliya.

Markabkan oo ay saaran yihiin 18-shaqaale ah ayaa sawirro ay af-duubayaashu soo dhigeen baraha bulshada waxay muujinayaan shaqaalaha markabka oo ku sugan xaalad amni oo halis ah.

Sarkaalkan ka tirsan dowladda Soomaaliya oo magaciisa qariyay ayaa xaqiijiyay in markabkan uu haysto sharci kalluumeysi oo Puntland siisay kaasoo dhacay 2020-ka, balse sarkaalku wuxuu diiday inuu bixiyo faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan madax-furasho lacageed.

Burcad badeedda ayaa diiday inay wax wada hadal ah la galaan masuuliyiin katirsan maamulka Puntland oo wakiil ka ah markabkan, waxayna sheegeen in Markabkan uu jariif ba’an ka waday xeebaha Puntland, isagoo weliba isticmaalayay shati ay Puntland bixisay oo dhacay sannadkii 2020.