12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2024
Wasiiradda howlaha guud ee Jaamacadda Carabta oo isku raacay in Soomaaliya laga caawiyo dib u dhiska xarumaha dowladda
 

Arbaco, December 18, 2024 (HOL) - Wasiiru dowlaha Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska guriyenta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud Xayd ayaa ka qeyb galay shirka Wasiirada howla guud ee Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay dalka Algeria.

Shirkaan Wasiiradda howlaha guud ee dalalka  Jaamacadda Carabta ayaa ahaa meertadii 8-aad ee kalfadhigii 41-aad, kaasoo sanadkan ay marti gelisay dowladda Algeria.

Shirka ayaa ahaa mid diirrada lagu saaray dib u dhiska wadamada kala ah Soomaaliya, Falastiin iyo Lubnaan, waxaana si gaar ah loo xusay in mudnaanta la siiyo dib u dhiska la siiyo Soomaaliya.

"Shirkaan oo ka dhacay dalka Algeria waxuu ahaa mid looga hadlaayay horumarinta guryenta, Wasiiraddu waxay isla garteen in Soomaaliya laga caawiyo dib u dhiska guryenta casriga ah ee xarumaha dowladda, maadama ay Soomaaliya kasoo kabsaneyso dhinacyada amniga" ayuu yiri Wasiir Xayd.

Wasiiru dowlaha howlaha guud ee dib u dhiska iyo guryenta Soomaaliya ayaa shirka ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay hayso wadadii dib u dhiska iyo horumarka ayna ka soo kabatay inta badan mar xaladihii ay soo martay, wuxuuna uga mahadceliyay Wasiiradda dhigiisa ah garab istaaga ay u muujiyeen dowladda Soomaaliya.

Shirkaan waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay wasiirka howla guud ee dib u dhiska iyo guriyeynta dalka Shiinaha, waxaana Wasiirka iyo Wasiiradda dalalka Jaamacadda Carabta isla meel dhigeen in heshiis iskaashi wada galaan Wasiirada howlaha guud ee wadamada Jaamacadda carabta iyo wasiirka Howlaha Guud ee Shiinaha, kaasoo dhici doona sanadka soo socda oo si rasmi ah loo wado saxiixi doono.