12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 18, 2024
SSC Khaatumo oo Somaliland Ku Eedaysay in Ay Ceerigaabo Ka Barakicisay 50,000 oo Qoys
 

Arbaco, December 18, 2024 (HOL) - Maamulka SSC Khaatumo ayaa Somaliland ku eedeeysay  inay xadgudubyo ka geystay magaalada Ceerigaabo, isla markaana ay barakicisay 50,000 oo qoys oo ka qaxay colaadaha soo cusboonaaday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay SSC Khaatumo ayaa lagu cambaareeyay falalka ay Somaliland kula kacday qayb kamid ah shacabka magaalada, sida ay SSC Khaatumo sheegtay.

"Maamulka SSC Khaatumo wuxuu si adag u cambaareynayaa ficillada gardarrada ah ee ka dhanka ah shacabka ku nool magaalada Ceerigaabo iyo deegaanada ku xeeran," ayaa lagu yidhi warsaxaafaddeedka. "Ficilladani waxa ay tusinayaan ku xadgudub ba’an oo xuquuqda aadanaha ah."

SSC Khaatumo waxa kale oo ay Somaliland ku eedaysay inay saddexdii toddobaad ee lasoo dhaafay ka barakicisay magaalada dad lagu qiyaasay 50,000 oo qoys, isla markaana la dhacay hanti kala duwan oo ay dadweynuhu ka tageen, taasoo keentay xaalad bini'aadamnimo oo sii xumaanaysa.

"Tacadiyada waxaa ka mid ahaa dilka loo geystay saddex carruur ah iyo hooyadood, iyo afduubka laba wiil oo kala jiray 16 iyo 18 sano," ayaa lagu yidhi warsaxaafaddeedka.

Warsaxaafadeedka waxa kale oo lagu sheegay in ciidamada Somaliland ay masuul ka ahaayeen dagaalladii ka dhacay koonfurta Sanaag 15-kii iyo 17-kii December, balse ciidamada SSC Khaatumo ay si geesinimo leh isaga difaaceen weerarkaasi.

Ugu dambayn, SSC Khaatumo ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka inay wax ka qabtaan xadgudubyada ay sheegtay in Somaliland ay kula kacday dadka ku dhaqan Ceerigaabo iyo deegaanada ku xeeran.