12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2024
Dagaal Xoogan oo galabta dib uga qarxay Koonfurta Gobolka Sanaag
 

Talaado, December 17, 2024 (HOL) - Dagaal aad u xoogan oo aan waxba la isku reeban ayaa galabta ka qarxay deegaano ka tirsan koonfurta gobolka Sanaag, kaasoo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo.

Labada dhinac ayaa soo bandhigay maxaabiis ay kala qabsadeen, hase yeeshee khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka galabta weli lama oga. Waxaa keliya baraha bulshada lagu faafinayaa dhawaqa rasaasta iyo dayanka qoryaha waaweyn ee labada dhinac isku adeegsanayaan.

Ciidamada SSC-Khaatumo ayaa isku dayay inay la wareegaan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag iyo magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ciidamadoodu dhawaan soo galeen. Dagaal laba maalmood socday kadib ayay ka baxeen magaalada, iyadoo qaar ka mid ah ciidankoodana la qabqabtay.

Dagaalka haatan socda ayaa daba socda iska horimaadyo hore oo labada dhinac ku dhexmaray Laascaanood iyo deegaano kale oo ka tirsan gobollada Sool, Sanaag, iyo Togdheer. Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa midba midka kale ku eedaynaya masuuliyadda colaaddan soo cusboonaatay oo aan weli la saadaalin karin halka ay ku dambeyn doonto.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo hore u sheegay inuu doonayo in xal diblumaasiyadeed lagu qaboojiyo colaadda, ayaa hadda wajahaya cadaadis xoogan oo ka dhashay dagaalka sida isdaba joog ah uga soconaya gobolladaas.