12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 17, 2024
Maxaa looga hadlay kulankii dhexmaray Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka?
 

Talaado, December 17, 2024 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, kaa uu Aadan Madoobe warbixin kaga dhageystay Guddiga.

Guddoomiyaha Guddiga Cabdikariin Axmed Xasan ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka u faahfaahiyay shaqooyinka guddiga gaar ahaan waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii la magacaabay iyo sidoo kale qorshayaasha u degsan si dalkaan ay u gaarsiyaan Doorasho Qof iyo Cod ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe ayaa xubnaha guddiga ku bogaadiyay shaqada adag ee ay qaranka u hayaan, waxaana uu xubnaha guddiga u sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan in ay dalka hirgeliyaan doorasho qof iyo cod ah si ay dadka Soomaaliyeed codkooda ugu doortaan hogaanka wadanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu dambeyn xubnaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha kula dardaarmay in ay dardargeliyaan shaqada qaran ee loo igmaday.

Guddiga ayaa mudda kooban ee Dowladda Federaalku u harsan waxaa laga doonayaa inay guud ahaan gobolada dalka ay ka hirgaliyaan doorashooyinka Qof iyo Codka ah, waxaana hortaala Shaqooyin culus inkastoo ay la kulmayaan mucaaradnimo ka imaanaysa qaar kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah nidaamka Madaxweyne Xasan Sheekh.