12/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 16, 2024
Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Shabeellaha Dhexe
 

Isniin, December 16, 2024 (HOL) - Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abuukar Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaar ka mid ah gobolada dalka.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgaladii ugu dambeeyay lagu naafeeyay kooxda Al-shabaab, islamarkaana lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsanaa kooxda oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

"Howlgalo barakeysan oo ciidamada Qaranka ka fuliyeen degnadaa Xawaadley ee gobolka Shabeelaha dhexe iyo hareerihiisa ayay ciidanka xoogga dalka, waxay ku dileen ku dhawaad 30 xubnood oo isugu jira horjoogayal iyo maleshiyaad" ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Maxamed.

Horjoogayaasha iyo saraakiisha lagu dilay howlgalka ka dhacay Xawaadley ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Abuu Busri oo loo yaqiin Zakariye, Xasan Xuseen oo loo yaqiin Abuu Xamama, Xasan Nasruallah oo loo yaqiin Abuu Baras, Cabduraxmaan oo loo yaqiin Macalin Aaden iyo xubno kale, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Maxamed.

Howgaladaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada dalka ay wali ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.